4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dad shacab ah oo Somaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Iyadoo Shalay Booliiska magaalada Laascaanood ee Soomaaliland  magagaaladaasi kasoo masaafuriyay dad gaaraya 700 oo ruux oo isugu jira haween, odayaal, dhalinyaro, caruur oo ay Soomaaliland ku eedeysay falalka amaan darro iyo dilalka qorsheysan ee maalmahii lasoo dhaafay ka dhacaayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadashay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cisman Abukar Dubbe ayaa sheegay inuu si weyn uga xun yahay falka ka socda Laascaanood ee lagu soo masaafuriyay dadka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaqay reer Laascaanood iney dhowran Soomaalinimada.

"Waxan ka xumahay falka ka socda Laascaanood ee dad Soomaaliyeed oo biri ma geydo ah lagaga masaafurinayo qaybo kamid ah dhulkooda. Reer Laascaanood waxay weligoodba dhaqan u lahaayeen soo dhoweynta iyo Soomaalinimada, waxan rajaynayaa in ay dhaqankaas wanaagsan ilaalin doonaan, dadka Soomaaliyeed-na agtooda ku nabad geli doonaan" ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cisman Dubbe.

Waxaa sidoo kale ka hadalay talaabada dadkan lagu soo masaafuriyay wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo sheegay in talaabada Soomaaliland kusoo masaafurisay dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool iney tahay mid nasiib darro ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dadka Soomaaliyeed ee Laascaanood laga soo masaafuriyay, isagoona sheegay inuu falkaasi yahay wax ku cusub dhaqanka suuban iyo kan dowliga ah.

“Waxaan wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha, hayadaha u dhaq dhaqaa xuquuqda aadanaha iyo Shacabweynaha laascaanood ugu baaqayaa in aysan ka aamusin raalina ka noqon falkaan foosha xun, dowrkoodana ka qaataan xalinta arinkaan” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Booliiska Soomaaliland ayaa dadkan shacabka ah ee kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ka dhex aruurshay xaafadaha Laascaanood isugu geeysay garoonka kubada Cagta Laascaanood, islamarkaana halkaas kasoo saaray gaadiidka nooca xamuulka ee loo yaqaano waaraadka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]