6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maanta maxkamad la hor geeyay
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta Maxkamada Gobolka Maroodijeex la hor geeyay kadib muddo 2 bilood iyo 16 cisho ah oo uu ku jiray xabsiga Madheera, waxaana la sheegay in loo akhriyay dacwadaha loo haysto, oo ay ugu horayso eedo ay soo gudbisay Jaamacada Barwaaqo.

Hadaba Jamaal Xuseen Axmed Mandela oo ah garyaqaanka Coldoon u doodayay, ayaa  habka dacwada loo maamulay sharci daro ku tilmaamay, waraysi uu Mandela BBC Somali siiyay ayuu ku sheegay in markii horena losoo qabtay hab sharciga baal marsan hadana maxkamad la geeyay isagoo aan waxba la ogaysiin.

"Cabdimaalik qaabkii loosoo qabtay waxaanu u aragnaa qaab sharciga baal marsan, marka labaad 60 cisho ayuu xidhanyahay, 7 dii cishaba in la rumaan gareeyo ayay ahayd, taasi may dhicin 60 cisho markii uu xidhnaa uunba iyada oo aan loo sheegin maxkamada la hor keenay, aniga iyo ehelkiisa toona manaan ogayn" ayuu yidhi Mandela.

Mandeela ayaa sheegay in Cabdimaalik iyo isagaba loo sheegay in arrintiisa lagu dhamaynayo hab dhaqan ah, isla markaana anay diyaar ba u ahayn in ay maxkamad ka doodaan, oo maxkamada saaka la horgeeyay ay tahay wax aan hore layskugu ogayn.

"Cabdimaalik markuu 7 cisho xidhnaa war baa soo baxay, waxaa loo sheegay in aan dacwadi jiri doonin oo arrintiisa qaab dhaqan ah oo ilaa heer madaxweyne la gaadhay lagu dhamayn doono, marka waxa naloo sheegay in aanu arrinta cagta u dhigno oo qaab dhaqana ku dhamaan doonto, taasuu Cabdimaalik ku niyad samaa" ayuu yidhi Mandela.

Sida warbaahinta qaarkeed ay qorayso Coldoon ayaa maanta loo sheegay in loo haysto, eedo ay soo gudbiyeen Shabakada dugsiyada Abaarso, khaasatan jaamacadda Barwaaqo ee katirsan shabakadaa, sida uu Mandela sheegayna looma ogolaan in uu maxkamada kahor la kulmo ehelkiisa iyo qareenkiisa.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/27/2021 7:15 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 38 wasiir oo kala bar ay dumar yihiin.

10/27/2021 6:55 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ay dhawaanahan booliisku bartilmaameed ka dhigteen, taasoo ay ku sheegeen inay tahay olole lagu dhibaataynayo.

10/27/2021 3:20 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uu madaxweynaha Puntland u jeediyay madaxweyne Farmaajo, taasoo ku saabsanayd, in madaxweynaha Soomaaliya uusan ka hambalyayn doorashadii “qof iyo cod” ee ka dhacday Qardho, Eyl iyo Ufayn.

10/27/2021 2:59 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - War saxafadeed kasoo baxay Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin dagaalada ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/27/2021 2:51 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Abaaro daran oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto qaybo kamid ah gobollada uu ka kooban yahay dowlad degaanka Soomaalidu.

10/27/2021 2:10 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidanka laanta Socdaalka ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay tarxiilayaan dadka kasoo jeeda, maamulka Koonfur-galbeed iyo deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

10/27/2021 2:08 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidamadii Ahlu Sunna Waljameeca ee afartii maalmood ee lasoo dhaafay degmada Guriceel kula dhex dagaalamaayay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa aroornimadii hore ee saakay isaga baxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/27/2021 1:59 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxda Khaatumo ayaa shir laba cisho uga socday magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kaga dhawaaqay in ay ka baxeen hishiiskii ay hore ula galeen xukuumada Somaliland xiligii madaxweyne Siilaanyo.