6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Beesha Caalamka oo ka hadashay dagaalka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - War saxafadeed kasoo baxay Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin dagaalada ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

“Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale dalbaday in xal deg deg ah loo helo dagaalada ka socinaya degmada Guriceel iyo waliba sidii loo caawin lahaa qoysaskii ka barakacay dagaalada ka socda degmada Guriceel.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Gababgabdii Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah, waxaana warsaxafadeedka xubnaha Beesha Caalamka uu imaanay xili dagaalo culus degmada Guriceel afartii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku dhexmaraayay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/27/2021 10:47 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta Maxkamada Gobolka Maroodijeex la hor geeyay kadib muddo 2 bilood iyo 16 cisho ah oo uu ku jiray xabsiga Madheera, waxaana la sheegay in loo akhriyay dacwadaha loo haysto, oo ay ugu horayso eedo ay soo gudbisay Jaamacada Barwaaqo.

10/27/2021 7:15 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 38 wasiir oo kala bar ay dumar yihiin.

10/27/2021 6:55 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ay dhawaanahan booliisku bartilmaameed ka dhigteen, taasoo ay ku sheegeen inay tahay olole lagu dhibaataynayo.

10/27/2021 3:20 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uu madaxweynaha Puntland u jeediyay madaxweyne Farmaajo, taasoo ku saabsanayd, in madaxweynaha Soomaaliya uusan ka hambalyayn doorashadii “qof iyo cod” ee ka dhacday Qardho, Eyl iyo Ufayn.

10/27/2021 2:51 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Abaaro daran oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto qaybo kamid ah gobollada uu ka kooban yahay dowlad degaanka Soomaalidu.

10/27/2021 2:10 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidanka laanta Socdaalka ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay tarxiilayaan dadka kasoo jeeda, maamulka Koonfur-galbeed iyo deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

10/27/2021 2:08 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidamadii Ahlu Sunna Waljameeca ee afartii maalmood ee lasoo dhaafay degmada Guriceel kula dhex dagaalamaayay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa aroornimadii hore ee saakay isaga baxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/27/2021 1:59 AM EST
Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxda Khaatumo ayaa shir laba cisho uga socday magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kaga dhawaaqay in ay ka baxeen hishiiskii ay hore ula galeen xukuumada Somaliland xiligii madaxweyne Siilaanyo.