4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo isaga baxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Ciidamadii Ahlu Sunna Waljameeca ee afartii maalmood ee lasoo dhaafay degmada Guriceel kula dhex dagaalamaayay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa aroornimadii hore ee saakay isaga baxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Kabixitaanka ciidanka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel ayaa timid kadib markii wadahadalo ay fududeeyeen ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka ay la yeesheen labada dhinac taasoo ugu dambeyn surta galisay in ciidankii Ahlu Sunna ay isaga baxaan goobahii ay kaga sugnayeen degmada, islamarkaana  ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta degmada Guriceel.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee isaga baxay degmada Guriceel ayaa la sheegay iney gaareen deegaanka lagu magacaabo Godwiil oo ku yaala Waqooyiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidanka Ahlu Sunna ay uga tageen Fariisinkoodii dagaalka ee dhismaha Jaamacadda laba gaari oo gaashaaman oo Ahlu sunna ay horay ugu qabsatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bohol.

Gabagabadii waxaa saakay fariisamhii dagaalka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel lagu arkayaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, kadib dagaal afar maalmood oo xiriir ah ku dhexmaraayay xaafadaha degmadaasi ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca oo ugu dambeyn aroornimadii hore ee saaka si nabdoon uga baxay fariisamahoodii dagaalka.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]