Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Bashiir Goobe xil cusub u magacaabay
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, ayaa wareegto uu soo saaray maanta ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo". ayuu yidhi Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.
Magacaabidda Bashiir Goobe, ayaa qeyb ka ahayd qodobadii dhawaan kasoo baxay is-afgaradkii madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ka gaareen khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagnaa.
Bashiir Goobe ayaa laga qaaday xilkii taliyaha nabad sugida ee uu raysal wasaaruhu u magacaabay, kadib markii uu xilkaas ka qaaday Fahad Yaasiin.
Xilka maanta loo magacaabay Bashiir Goobe, waxaa bishii january ee sannadkii 2020 iska casilay madaxwyene Qoorqoor, ka hor inta aan loo dooran xilka madaxweynaha Galmudug.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Wararkii ugu dambeeyay xaalada degmada Guriceel iyo taliyahii ciidanka DANAB ee Galmudug oo ku dhintay dagaalkii galabta
10/23/2021 2:09 PM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay dib ula wareegeen gacan ku heynta xarumahii maanta ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Xubno horey xilal kala duwan kasoo qabtay dawlad degaanka Soomaalida maanta xabsiga Jigjiga laga siidaayay
10/23/2021 1:45 PM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga sii daayay, siyaasiyiin hore oo muddo ku xidhnaa magaalada Jigjiga.
Wasiir Beyle: Hadii Soomaaliya January 2022 madaxweyne yeelan weydo waxaa suurtagal ah inay istaagaan mashaariicda hadda socda
10/23/2021 11:51 AM EST
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdirahman Ducaale Beyle oo maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa sheegay in hadii aanay Soomaaliya January 2022 ka hor an la soo gababeynin doorashada madaxtinimo ee dalka ay suurtagal tahay inay istaagaan dhamaan mashaariicda yar ee hadda ka socda dalka.
Shirkada FlyDubai oo joojinaysa duulimaadyadii ay ku iman jirtay Hargaysa
10/23/2021 9:12 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Shirkada diyaaradaha FlyDubai ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go'aansatay in ay joojiso duulimaadyadii todobaadkiiba 3 cisho ay ku iman jirtay magaalada Hargaysa, kadib markii xukuumada Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto.
Mukhtaar Roobow oo bixiyay wareysigii ugu horreeyay ee uu kaga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay
10/23/2021 9:01 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Sheikh Mukhtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur" oo xabsi guri ku jira muddo ku dhow saddex sano, ayaa bixiyay wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii dowladda federalka xirtay 2018.
Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo la wareegay inta badan gacan ku heynta degmada Guriceel
10/23/2021 6:38 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saakay ka bilaawday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna oo horay degmadaasi gacanta ugu haaysay.
Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay qoraal ay waddamada reer galbeedku kaga hadleen doorashooyinka Somaliland
10/23/2021 5:19 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa soo dhaweeyay qoraal ay soo saaren qaar kamid ah waddamada reer Yurub iyo Maraykanka, oo ay ku sheegeen in xukuumada Somaliland ay doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabanayso isla markaan, ay diyaarisay kharash keeda.
Ganacsade Caan ahaa oo ku dhintay israsaaseyn Suuqa bakaaraha ku dhexmartay ciidamada dowladda iyo burcad hubeysan
10/23/2021 2:20 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Israsaaseyn muddo kooban socotay oo ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka shacabaka ah ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.
Dagaal Culus oo goordhaw ka bilaawday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
10/23/2021 2:04 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka biloowday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.
UN: In ka badan boqol kun oo qof oo ka barakacay colaada ka jirta magaalada Guriceel
10/23/2021 1:55 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qaxay magaalo Guriceel sababo la xiriira xiisada colaadeed ee u dhaxaysa Ahlusunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug, sida ay sheegtay QM.
Lammaane kamid noqday Golaha Wasiirada ee xukuumadda Madaxwayne Mustafe cagjar
10/23/2021 1:52 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Waxaa kasoo dhex muuqday dawladda uu soo dhisay Madaxwayne Mustafe cagjar, lammaane markii hore ku midoobay nolosha, haddana isugu yimid siyaasaddii degaanka.
Beesha caalamka oo qoraal kasoo saartay dadka Somaliland ka masaafurisay dhulkeeda
10/23/2021 1:51 AM EST
Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saxiibada caalamiga ah ee Somaliland cambaaraynayaan howlgalka ay Somaliland dhulkeeda kaga saarayso bulshooyin gaara.
Somali News
Flydubai ceases flights to Somaliland
-
HOL
10/23/2021 3:02 PM EST
Hargeisa, Somaliland (HOL) - UAE's low cost carrier Flydubai has halted its flights to Somaliland following a rescheduling of flights by Somaliland government.
Galmudug, federal forces capture district HQs, police station in Guriel as fighting with Ahlu Sunna rages on
-
HOL
10/23/2021 7:58 AM EST
GURIEL (HOL) - Galmudug and federal government forces Saturday afternoon took control of key installations in Guriel town in fierce fighting with Ahlu Sunna Waljamaa which is reportedly still pushing back the joint forces.
General Bashir Gobe appointed Public Works state minister after Farmaajo-Roble deal
-
HOL
10/23/2021 7:55 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble has announced the appointment of General Bashir Gobe as the state minister for public works following a pact with President Mohamed Farmaajo Thursday.
Husband and wife appointed ministers in Ethiopia’s Somali state government
-
HOL
10/23/2021 6:35 AM EST
JIGJIGA (HOL) - A couple has been appointed to serve as ministers in the new Somali State administration in Ethiopia following the recent elections.
Refugee still yearning to bring family here
-
County Weekly
10/23/2021 12:39 AM EST
When Nasro Mohamed left Uganda for Brockville, her young daughter was only 10 months old.
Somalia seeks humanitarian aid over worsening drought
-
VOA
10/23/2021 12:30 AM EST
MOGADISHU, SOMALIA — Somalia’s federal government is asking U.N. humanitarian agencies for urgent assistance to counter an ongoing drought and growing food insecurity, mainly in the southern part of the country.
UK MP murder suspect faces trial next year
-
Reuters
10/23/2021 12:28 AM EST
The man accused of stabbing to death British MP David Amess at a church where he was meeting voters last week is due to go on trial next year, London's Old Bailey court has been told.
Galmudug security forces enter Guriel
-
HOL
10/23/2021 12:16 AM EST
Mogadishu (HOL) - Galmudug security forces have reportedly entered Guriel town on Friday, ousting Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) fighters from the area. ASWJ took over the town - along with Mataban - following a short gun battle against government forces earlier this month.