4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo la wareegay inta badan gacan ku heynta degmada Guriceel
 

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saakay ka bilaawday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna oo horay degmadaasi gacanta ugu haaysay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay weerar dhowr jiho kaga soo qaadeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana lasoo warinayaa inuu dagaalka geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aaanan la xaqiijin karin inta uu la'eg yahay khasaaraha rasmiga ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ee saakay waabarigii weerarka kusoo qaaday degmada ay goordhow la wareegeen gacan ku heynta Xarunta maamulka degmada iyo waliba Saldhiga Booliska degmada Guriceel oo ka mid meelaha dagaalka uu sida xoogan uga dhacay.

Ciidamada iskaashanaya ee dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee gala iyo kuwa kabaxa Saldhiga Magaalada iyo  Xarunta maamulka degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Ahlu sunna Waljamaaca.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan uu dagaalka xoogiisa uu ka socda dhinaca Bari ee magaalada, waxaana wadooyinka gudaha magaalada isugu soo baxay dad u badan dhalinyaro oo si weyn u hadal haaya waxyaabahii maanta ka dhacay magaalada guriceel oo ay horay uga barakaceen inta badan dadkii ku noolaa degmadaasi.

Majirto wax war ha oo wali kasoo baxay dhinacyada maanta dagaalada qaraari ay ku dhexmarayaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]