4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Amaro cusub oo lagu soo rogay magaalada Laascaanood
 

Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay in ay muddo 7 cisho gudaheed ah ku xidhaan dhamaan luuqyada magaalada ee guryaha u dhexeeya, si nabadgalyada loo sugo.

"Luuqyada guryaha u dhexeeya ee ka jira magaalada Laascaanood in dhamaantood la xidho muddo 7 cisho gudahood ah, cidi xidhi wayda talaabo ayaa laga qaadayaa" sida waxa yidhi maayar ku xigeenka Laascaanood, Axmed Maxamed Cumar.

Maayarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil (Qase), ayaa sheegay in ay magaalada u qaybiyeen, degmooyin iyo xaafado kasii fircamaya, oo xaafad walba loo xilsaari doono guddi laga keenay shacabka oo maamulka degmada kala shaqayn doona sugida amniga.

Waxaanu magaalada u qaybinay 5 degmo waxaanu kasoo saarnay 27 xaafadood, waxaana aanu kasoo xulnay 55 qof oo ka shaqayn doona, dhinaca amniga, horumarinta magaalada, dhawaan ayaanuna howl galin doonaa" ayu yidhi maayar Qase.

Xukuumada Somaliland ayaa howlgalo lagu sugayo amniga ka wada magaalada  Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, kadib, dilal isdaba joog ah dad aan haybtooda la garanaynin kula kaceen haldoor ka gobolka.


Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online