4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada dilal loo geystay saraakiil ka tirsanaa maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed
 

Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weeraro xalay lagu kala dilay saraakiil ka kala tirsaneyd maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab ayaa  weerarka koowaad waxay ku qaadeen guri uu magaalada Baardheere ee gobolka Gedo uu ka daganaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland ayna ku dhex dileen hoygiisa,kaasoo magaciisa lagu soo koobay Xasan Inyow.

Al-shabaab ayaa bartooda Internetka waxay ku shaaciyeen in weerarka ay ku dileen sarkaalka ka tirsanaa Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan oo sidii la rabay u fuliyeen askartooda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbland oo la xiriira dilka Shabaab u geysteen sarkaalka lagu magacaabi jiray Xasan Inyow oo ka tirsanaa saraakiisha maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sidoo kale bartooda Internetka ku sheegatay in qarax ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ay ku dileen guddoomiyahii deegaanka Buula Jaay iyo askar ka tirsaneyd ilaaladiisa.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ah la beegsata masuuliyiinta iyo askarta ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]