3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya oo beeniyay in Kenya loo xukumay dhulka qaniga ku ah shidaalka
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Mid kamid ah Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya ayaa beeniyay warar warbaahintu tebinaysay oo ku saabsan, in Kenya loo xukumay dhul baddeedka qaniga ku ah shidaalka iyo Saliidda.

Paul Reichler oo wareysi siiyay idaacadda VOA Somali, ayaa ku sheegay wareysiga, in aysan xilligan jirin wax ceelal ah oo lagu sameeyay shidaal qodis dhab ah oo ay maxkamadu dhinaca Kenya raacisay.

Paul wuxuu sheegay dhulka lagu muransanaa in ay shirkaddo baaris ku sameeyeen, isla markaana ay leysimada bixiyeen Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo uu sheegay in ay badnaayeen leysinada ay Kenya bixisay.

“Ceel ayaa loo qoday in shidaal laga sahmiyo, laakiin salliid lagama soo saarin. Waxaa ceelkaas uu maray dhinaca Kenya loo xukumay,” ayuu yiri qareenku.

Qareen Paul Reichler, wuxuu sheegay in Soomaaliya dhulka ay ku dacwoonaysay loo xukumay 75%, halka Kenyana uu sheegay in loo xukumay 25%.

“12ka Mayl ee u horreeya, maxkamaddu waxay isticmaashay xarriiqda tooska ah, waxayna Soomaaliya maxkamaddu siisay 100%. Dhulka ka dambeeya aagga dhaqaalaha oo ah dhulka ugu weyn ee saddexda qeybood ee maxkamaddu qeybisay, waa dhulka loo yaqaano EEZ, oo ah dhulka u dhaxeeya 12Nautical Mile, illaa 200 nautical Mile, Soomaaliya waxay ka heshay 75%, halka Kenyana ay ka heshay 25%,” sidaasi waxaa yiri qareen Paul Reichler.

Qareenka ayaa ugu dambayn sheegay in ay Kenya waajib ku tahay in ay aqbasho xukunka maxkamadda isla markaana shirkaddaha caalamiga ah ay u hoggaansamaan xarriiqdu ay maxkamaddu jeexday.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/14/2021 11:54 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Maamulka gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay gobolka ka saarayaan, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

10/14/2021 10:41 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah, isagoona Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo dadkii ku dhintay weerarkaas.

10/14/2021 6:17 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay in la dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana si degdeg ah loo dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

10/14/2021 4:24 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

10/14/2021 3:18 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa Xalay ganacsade Soomaaliyeed waxay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Tempisa oo ka tirsan gobolka Limpopo.

10/14/2021 2:26 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii ugu dambeeyay uu ka jiray barakac aad u xoogan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqnaa xaafadaha magaaladaasi.

10/14/2021 1:51 AM EST
Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Sannad -guuradii afaraad ayay maanta ku beegan tahay markii uu dhacay qaraxii 14 -kii Oktoobar 2017, qaraxaas oo ahaa qarixii ugu dhimashada badnaa uguna burburka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.