4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo baaq deg deg ah kasoo saaray abaaro ka jiro Jubbaland
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin ay ka jiraan qeybo kamid ah deegaanada Jubbaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda Jubbaland, taasoo qatar ku ah nolosha dad  badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubbaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad heer caalami ah iyo waliba gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.

Waxuu intaasi ku daray madaxweyne Axmed Madoobe in xiligan ay tahay xiliga ugu haboon ee hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan in haatan loo baahan yahay gurmad deg deg ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaalada hada taagan isla markana qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]