4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Nairobi : Banaanbaxyo laga digay iney ka dhacaan Xaafadda Soomaalida
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, kana mid ah xubnaha guddiga ganacsatada ee Xaafadda Islii ayaa ka digay in mudaharaadyo iska soo horjeeda ay ka dhacaan xaafadda Soomaalida ee islii, kadib Go'aanka dhinaca badda ee la filayo inuu maanta kasoo baxo Maxkmadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Sheekh Shakuul oo la hadlayay HOL ayaa sheegay iney heleen xogo la xiriira iney dibadbaxyo abaabulayaan dhalinyaro soomaaliyeed kuwaas oo u kala qeybsan labo kooxood, oo qaarkood taageersanyihiin Soomaaliya halka kuwa kalana ay la safanyihiin dowladda Kenya.

“Dareenka Cabsida ah waxa uu dhashay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in daraf kamid ah Soomaalida Islii joogta in ay u dabbaaldegayaan haddii dacwadda Badda Soomaaliya loo xukumo halka ay jiraan dad kale oo kasoo horjeeda” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shakuul.

Shiikh Shakuul Wuxuu muujiyay walaaca la xiriira in mudaharaadyadaasi ay kusoo hoos dhuuman karaan Kooxo tuugo ah Ama boqolaalka qof ee ku dhaqan xaafadda isku raranka ah ee Mathere oo u dhow xaafadda Soomaalida ee islii.

“Xaqiiqdii waa in laga feejignaadaa falcelin weliba oo ka dhalan karta go’aanta Maxkamadda iyada oo laga fikirayo nafta iyo hantida taal, Xaafadda isku raranta ah ee saaran islii waxaa ku sugan burcad ka faaiideysan karta khalalaase weliba oo dhaca, sido kale waxey ku xadgudbi karaan haweenkeene, ama waxey gubayaan guryaha, xittaa ciidanka ayaa dadka boobi kara oo aanan ku kalsooneen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul.

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi ayaa ilaa xalay kawaday Masaajidda iyo Warbaahinta wacyaglin la xiriirta sidii looga hortagi lahaa Banaanbaxyo isku badali kara rabshado kuwaas oo ay sameeyaan dhalinyarada soomaalida, kadib go'aanka Taarikhiga ah ee la filayo iney maanta gaarto Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa qoraal ay shalay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda aysan waxba iska beddelin, islamarkaana lagu dhawaaqi doono go'aanka maxkamadda talaadada maanta ah.

Soomaaliya ayaa dacwo ka dhan ah Sheegashada Kenya ee qayb kamid ah Biyaha Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ August 2014-kii, Kenya waxa ay isaga hartay wareeggii ugu dambeeyay, 8-dii October 2021 waxa ay ku dhawaaqday in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda ay gaarto.

Yusuf Abdi Shire, Hiiraan Online
[email protected]