4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu qaaday hoyga Taliyaha Booliiska gobolka Nugaal
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Caasimada dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe la weeraray hoyga taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay iney weerarka ku qaadeen hoyga Taliye Maxamed Aadan uu ka degan yahay Xaafada 1-da Agoosto ee magaalada Garoowe oo ka mid ah xaafadaha ugu amaanka adag magaalada Garoowe.

Dadka degan xaafada 1-da Agoosto ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu qaaday guriga Taliyaha uu ahaa mid waqti kooban socday oo rasaas farabadan ay isku adeegsadeen labada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maleeshiyadii xalay weerartay hoyga taliyaha Booliiska ay ahayeen Maleshiyaad ka careysna xarig loo geystay askari ka tirsan ciidanka Puntland oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Badda ee maamulka Puntland.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Booliska gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland oo la xiriira weerarka lagu qaaday guriga uu Xaafadda 1-da August ee magaalada Garoowe uu ka degan yahay Taliye Maxamed Aadan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]