4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Hirshabeelle oo ka hadashay dhalinyaro magaalada Jowhar loogu xiray Calanka Hiiraan State
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ka hadlay xarig magaalada Jowhar loogu geystay wiilal dhalinyaro ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaradan markii la xiraayay ay ahaayeen ilaa lix ruux sadax ka mid ahna lasii daayay markii dambe, isagoona sheegay in dhalinyarada ay wadeen kicin iyo abaabul dadweyne.

"Wiilasha la xiray waxay ku howlanayeen kicin dadweyne, abaabul rabashado iyo iska horkeen bulshada iyo maamulka, hadii cadeymo loo helana waxaa lagu wareejinaya garsoorka si loo maxkamadeeyo" ayuu yiri wasiir Kheyre.

Ehalada dhalinyarada xiran ayaa waxay sheegeen in caruurtooda ay u xiran yihiin sifo sharci darro ah islamarkaana wali xabsiga ugu jiraan si aanan sharci aheyn.

Xariga wiilashaan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah uu kusoo labistay funaanad ka sameysan Calanka Hiiraan State, waxaana xisid mudan in maamulka Hirshabeelle uu wajahaayay mudada uu jiro kacdoono dadweyne iyo kacdoon dagaal intaba oo ay kala kulmayeen shacabka gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]