4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo xoogan oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Bohol oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Inkastoo ay haatan degan tahay xaalada deegaanka Bohol, ayaa hadana mar waliba waxaa la filan karaa inuu dagaal dib uga qarxo deegaankaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kor u dhaafaya tobaneeyo ruux ayaa labada dhinac kala gaaray sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka Bohol, walow aanan la xaqiijin karin tirada saxda ah.

Madaxdii maamulkii Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabulo kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal.

Ahlu Sunna ayaa deegaanka Huurshe kaga dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, hayeeshee Galmudug ayaa u aragtay inay kusoo wajahan yihiin ahlu sunna Magaalooyinkii ay horay uga qabsatay ee Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]