4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi oo Shaaciyay Doorashada 16 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Guddiga doorashada ayaa Odayaasha dhaqanka ee kuraasta la shaaciyay waxay fareen iney soo xaadiraan maalinta berito ah oo taariiqda ku beegan tahay 1-da bisha Decembar xarunta guddiga si ay u qaataan tababar, islamarkaana todobaadkan ay qaban doonaan doorashada 16-ka kursi.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ay bilaabeen maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Soomaaliland, ayaa waxaa xusid mudan inaysan wali bilaabin doorashada maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ayagana bilaabaan qabashada doorashada Golaha Shacabka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]