4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Faysal Cali Waraabe "Boqor Buurmadow wuxuu isku xilqaamay sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd"
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in boqor Buurmadaw lagu dacweeyo in uu ka hadlay guddoomiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Faysal ayaa sheegay in Boqor Buurmadow isku xilqaamay sidii uu gacan uga gaysan lahaa in doorasho fiicani Soomaaliya ka dhacdo, iyo sidii uu xaal marin u siin lahaa dadkii laga tarxiilay Somaliland isagoo ka gudbay xuduudaha Somaliland, lakin taa badalkeeda ay eedi ka raacday.

"Boqor Buurmadaw wuu is xilqaamay sidii Somaaliya doorasho uga dhici lahayd, iyo dadkii ka yimid Laascaanood ee sida deg dega ah loo tarxiilayna xaal buu ka bixiyay" ayuu yidhi Faysal.

lakin hada waxan maqlayaa ninkii is xilqaamay ee uga soo kicitimay Imaaraatka oo laga yaabo in dad badan oo reer Somaliland ahi anay arrintaa ku waafaqsanayn, in uu kuwii uu usoo gurmaday ay maanta aflagaadaynayaan, hadad leedihiin xaal ha laga bixiyo Ina Godane idinka waxa idinla jooga kuwii gacmaha dhiiga ku lahaa".

Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurmadow oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wajahaya eedo la xidhiidha in uu calool jileec u muujiyay hogaamiyihii hore ee ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]