3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Shirkii Jimciyadda Islaamica Waqooyiga Ameerika oo shalay Minnesota ku soo gabagaboobay , VIDEO & SAWIRO

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Shalay Axadii waxaa  magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu soo gabgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqooyiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga socday magaaladda mudo sadax cisho ah, Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto ayaa sanadkii hore u baaqday xanuunka covid 19 awgiis, shirkiin waa kii 20aad ee la qabto.

Waxaana jimciyadaan la aasaasay sandkii 2001,IANA waxaa ku midaysan ilaa 36 Masaajid ee ku yaal gobolo kala duwan oo ku yaal dalkaan Maraykanka.

Sanadkaan waxaa ka soo qayb galay Imaamyada 36 Masjid iyo in ka badan 120 Culimo ah oo ka kala socda gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka, waxayna uga wada hadlayeen horemarinta adeegyada dacwada, sidii loo horemarin lahaa mashaariicda masaajida loona wacyigalin lahaa dadka Muslimiinta ah ee ku nool W/ America.

Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdulle  oo ah agaasimaha fulinta Jimciyadda Islaamica ee (IANA) ayaa HOL u sheegayin shirkaan looga dooday arrimo badan oo ku saabsan maslaxada bulshadda, qoysaska iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Maraykanka”.

Sidoo kale waxaa sannadkan shirka ka soo qaygalay marti sharaf kale oo ay kamid yihiin Hayadaha Samafalka HARO & SAMARAADO,oo iyagu diyaar ah inay qayb ka noqdaan samafaladda Abaaraha ka jira Soomaaliya oo aad looga hadlay shirkaan,waxaa shirka aan ka maqneen oo wax ka dhagysanaayey dhallinyarada iyo qeybo kalo oo kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Gabagabadii shirka shalay ayaa sanadkaan waxaa lagu doortay gudiga fulinta ee Jamciyadda sii wadi doon labada sano ee socda,waxaana sanadkaan markii labaad dib loogu doortay Sh Maxamed Mursal oo isagu hore xilkaan u haayey.

Gabagabadii shirkaan shalay ayaa shalay laga aqriyey bayaan ay si wadajira culumadu uga hadleen xaaladaha Siyaasada Soomaaliya,Abaaraha ka jira Dhulalka ay Soomaalidu dagto sidii gacan looga gaysan lahaa caawinteeda,Arimaha Dhalinyaradda ayaa ka qayb ahaa bayaanka sidii wax looga qaban lahaa.

HALKAN KA DAAWO BAYAANKA IANA SOO SAARTAY


Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN












Click here
11/29/2021 11:01 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galinkii dambe ee Maanta shir kula qaatay aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo kan Xalinta Khilaafaadka.

11/29/2021 8:19 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta qorshuhu ahaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, ayaa waxaa dib loo dhigay kursi ka mid ahaa afarta kursi ay horay u shaaciyeen guddiga hirgelinta dooraashada maamulka Koonfur Galbeed.

11/29/2021 7:46 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo BBC Somali, uga warbixiyay socdaalkiisa Muqdisho, ayaa sheegay in uu u yimid xalinta khilaaf ka dhextaagnaa madaxda Somaliland kasoo jeeda ee Soomaaliya xilalka ka haya, isagoona sheegay in uu shacabka Somaliland la qabo gooni isutaaga Somaliland.

11/29/2021 7:02 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Magaalada Boosaaso ayaa kusoo laabatay xasilooni, kadib markii saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ay u muuqatay mid qarka u saarnayd inuu ka dhaco dagaal salka ku haya xilka ka qaadista agaasimaha hay’adda PSf, Maxmuud Cismaan Diyaano.

11/29/2021 6:21 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

11/29/2021 4:31 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Ciiddanka Duufaan ee qeybta ka ah NISA oo howlgal qorshaysan xalay ka fuliyay degmada Heliwaa gaar ahaan Suuqa Xoolaha ayaa kusoo qabtay xubno katirsan Alshabab.

11/29/2021 4:00 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Belgium, Yonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa xilkiisa la wareegay kaddib markii uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka dalka Belgium Boqor Philippe.

11/29/2021 12:53 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in markale lagu qabto magaalada Baydhabo afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

11/29/2021 12:46 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in raysal wasaare Rooble uu qaadanayo masuuliyadda musuq maasuqa doorashada dalka ka socota, maadaama isaga doorashada gacanta loo galiyay.