4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Ciidanka Duufaan ee NISA oo gacanta kusoo dhigay hub iyo xubno katirsan kooxda Alshabaab


Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Ciiddanka Duufaan ee qeybta ka ah NISA oo howlgal qorshaysan xalay ka fuliyay degmada Heliwaa gaar ahaan Suuqa Xoolaha ayaa kusoo qabtay xubno katirsan Alshabab.

Howlgalkan ayaa sidoo kale ciiddanku waxay gacanta ku dhigeen kaydkii ugu weynaa ee hubka Alshabaab ku qarsan jireen suuqa xoolaha, hubkaas oo ka koobnaa qaraxyo iyo rasaas.

Ciidamada NISA ayaa sheegay in ay howgalkaan ka qeyb qaaateen Bulshada, kuwaas oo laaamaha amniga siiyay macluumaad.

Muuqaal lagasoo dhuubay ayaa lagu arkayay ciiddamada oo meel god ah kasoo saaraya qaraxyo horey loosii diyaariyay iyo rasaas duugowday oo ah kuwa madaafiicda.

Lama sheegin in ay ciiddanku la kulmeen wax iska caabin ah intii gacanta kusoo dhigayaan hubkaan, waxayna arrintaan kusoo beegmaysaa xilli maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ay kusoo badanayeen qaraxyada ismiidaaminta ah.
    
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online