6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2021
Muuse Biixi ma wuxuu taageeray dagaalka Abiye Axmed kula jiro Tigreyga?
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Warbaahinta dowlada Itoobiya ee Ethiopian Broadcasting Corporation, ayaa baahisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taageeray dagaalka ay dowlada dhexe ee Itoobiya kula jirto TPLF.

Warbaahintan oo ka sheekaysay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, oo ay ugu mudnaayeen ganacsiga iyo amniga, ayaa dhinaca kale sheegtay in warar ay ka heleen dowlada deegaanku ay u sheegeen in Biixi taageeray howlgalka Abiye wado.

"Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale sheegay inuu taageersan yahay howlgalka sharci fulinta ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo woqooyiga dalkaas, sida ay sheegayaan xogo aanu ka helnay xafiiska isgaadhsiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Xukuumada Somaliland iyo ta dowlada deegaanka midna si rasmi ah loogama maqal in wax ku saabsan dagaalka Itoobiya labada madaxweyne ka wada hadleen, isla markaana Somaliland ayaa iyadu sannadihii u danbeeyay ka gaabsatay dhamaanba dhaq dhaqaaqyada ay wadeen madaxda geeska oo uu Abiye ugu horeeyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/28/2021 4:02 PM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la qaatay golaha midowga Midowga Musharraxiinta, iyagoo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka soo baxaya.

11/28/2021 9:40 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

11/28/2021 6:47 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa ciiddamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta ku biiray ciiddanka PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyay taliyahoodii ugu sarreeyay.

11/28/2021 6:37 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, oo Hargaysa Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, oo Hargaysa ku kulmay ayaa kawada hadlay, arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.ku kulmay ayaa kawada hadlay, arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.

11/28/2021 4:20 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee golaha shacabka, kaasoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

11/28/2021 4:16 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Wiil reer Hargaysa ah, ayaa la xidhay, isla markaana maxkamad waajahaya kadib markii uu baabuur uu watay jiidhsiiyay mid kamid ah eey uu muwaadin reer Somaliland ahi ka keenay dalka Jarmalka.

11/28/2021 2:12 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa amray in la hakiyo natiijada kursiga sumadiisu tahay 067 ee uu ku guulaystay taliyaha kumeel gaarka ah ee hay’adda NISA, Kornayl Yaasiin Fareey.

11/28/2021 1:12 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynsaysa in doorashada laga soo wareejiyo magaalada Beledweyne laguna qabto Caasimadda Muqdisho gaar ahaan dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed sida ay HOL ugu warameen ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Xafiisyada Sare ee dowladda.

11/28/2021 1:03 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuusan marnaba aqbalaynin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay ku milmaan madaxda dowlad goboleedyada.

11/28/2021 12:57 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

11/28/2021 12:48 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Golaha midowga Murrashaxiinta, ayaa shaaciyay in aysan aqbali doonin doorasho lagu shubtay, waxayna Muqdisho ka wadaan shir gooni gooni oo ay ugu magac dareen "ka badbaadinta dalka boob qaran oo lagu hayo doorashada dalka."