3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Mustafe Cagjar
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, oo Hargaysa ku kulmay ayaa kawada hadlay, arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.

"Booqashada madaxweyne Mustafe waxay daaranayd, amniga iyo ganacsiga, dhinaca ganacsiga horay ayay xukuumada Somaliland noogala shaqaysay ilaalinta sixirka lacagta Itoobiya, dhinaca kale isticamaalka Dekedda Berbera iyo in laga sii wada hadlo shuruucda lagu dhaqayo Berbera Corridor, markaa guud haan labada qodoba is faham wanaagsan ayaa laga yeeshay" sida waxa yidhi afhayeen u hadlay waftiga madaxweyne Mustafe.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, madaxweyne Mustafe uga mahadceliyay booqashadiisa, isagoo sheegay in labada shacab ay yihiin dad walaalo ah.

"Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, Dawlad-deegaanka Soomaalida iyo shacabka aan walaalaha nahay waxa aan uga mahadcelinayaa xoojinta iskaashiga iyo wadajirka labada shacab ee Somaliland iyo Dawlad Deegaanka ee walaalaha ah. Waxa aan u rajaynayaa labada shacab ee walaalaha ah horumar iyo iskaashi intan ka ballaadhan" ayuu yidhi Biixi.

Safarka madaxweyne Mustafe, ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo ba'ani ka socdaan qaybo kamid ah dalka Itoobiya, waxayna u badantahay in kulanka layskula soo qaaday inkasta oo aan warbaahinta lala wadaagin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/28/2021 4:33 PM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Warbaahinta dowlada Itoobiya ee Ethiopian Broadcasting Corporation, ayaa baahisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taageeray dagaalka ay dowlada dhexe ee Itoobiya kula jirto TPLF.

11/28/2021 4:02 PM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la qaatay golaha midowga Midowga Musharraxiinta, iyagoo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka soo baxaya.

11/28/2021 9:40 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

11/28/2021 6:47 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa ciiddamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta ku biiray ciiddanka PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyay taliyahoodii ugu sarreeyay.

11/28/2021 4:20 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee golaha shacabka, kaasoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

11/28/2021 4:16 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Wiil reer Hargaysa ah, ayaa la xidhay, isla markaana maxkamad waajahaya kadib markii uu baabuur uu watay jiidhsiiyay mid kamid ah eey uu muwaadin reer Somaliland ahi ka keenay dalka Jarmalka.

11/28/2021 2:12 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa amray in la hakiyo natiijada kursiga sumadiisu tahay 067 ee uu ku guulaystay taliyaha kumeel gaarka ah ee hay’adda NISA, Kornayl Yaasiin Fareey.

11/28/2021 1:12 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynsaysa in doorashada laga soo wareejiyo magaalada Beledweyne laguna qabto Caasimadda Muqdisho gaar ahaan dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed sida ay HOL ugu warameen ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Xafiisyada Sare ee dowladda.

11/28/2021 1:03 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuusan marnaba aqbalaynin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay ku milmaan madaxda dowlad goboleedyada.

11/28/2021 12:57 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

11/28/2021 12:48 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Golaha midowga Murrashaxiinta, ayaa shaaciyay in aysan aqbali doonin doorasho lagu shubtay, waxayna Muqdisho ka wadaan shir gooni gooni oo ay ugu magac dareen "ka badbaadinta dalka boob qaran oo lagu hayo doorashada dalka."