6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Doorashada kuraas uu ka mid yahay kursigii loo diiday Jawaari oo maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah kursiga loo diiday in uu u tartamo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddiga hirgalinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku adkeystay inay maanta qabanayaan doorashada Afarta kursi uu ka mid ka yahay kursiga Jawaari loo diiday, xili guddiga doorashooyinka heer federaal ay dalbadeen in la hakiyo doorashada kursiga HOP 103 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Kuraasta doorashadooda Maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kala ah, HOP, 103, HOP 41, HOP 42 HOP 89,

Guddiga hirgalinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada sadex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo aheyd kuraastii ugu horeysay ee lagu doorto Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/28/2021 4:33 PM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Warbaahinta dowlada Itoobiya ee Ethiopian Broadcasting Corporation, ayaa baahisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taageeray dagaalka ay dowlada dhexe ee Itoobiya kula jirto TPLF.

11/28/2021 4:02 PM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la qaatay golaha midowga Midowga Musharraxiinta, iyagoo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka soo baxaya.

11/28/2021 9:40 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

11/28/2021 6:47 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa ciiddamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta ku biiray ciiddanka PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyay taliyahoodii ugu sarreeyay.

11/28/2021 6:37 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, oo Hargaysa Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, oo Hargaysa ku kulmay ayaa kawada hadlay, arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.ku kulmay ayaa kawada hadlay, arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.

11/28/2021 4:20 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee golaha shacabka, kaasoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

11/28/2021 4:16 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Wiil reer Hargaysa ah, ayaa la xidhay, isla markaana maxkamad waajahaya kadib markii uu baabuur uu watay jiidhsiiyay mid kamid ah eey uu muwaadin reer Somaliland ahi ka keenay dalka Jarmalka.

11/28/2021 2:12 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa amray in la hakiyo natiijada kursiga sumadiisu tahay 067 ee uu ku guulaystay taliyaha kumeel gaarka ah ee hay’adda NISA, Kornayl Yaasiin Fareey.

11/28/2021 1:12 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynsaysa in doorashada laga soo wareejiyo magaalada Beledweyne laguna qabto Caasimadda Muqdisho gaar ahaan dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed sida ay HOL ugu warameen ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Xafiisyada Sare ee dowladda.

11/28/2021 1:03 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuusan marnaba aqbalaynin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay ku milmaan madaxda dowlad goboleedyada.

11/28/2021 12:48 AM EST
Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Golaha midowga Murrashaxiinta, ayaa shaaciyay in aysan aqbali doonin doorasho lagu shubtay, waxayna Muqdisho ka wadaan shir gooni gooni oo ay ugu magac dareen "ka badbaadinta dalka boob qaran oo lagu hayo doorashada dalka."