3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Beesha Caalamka oo ka hadashay Walaaca laga muujinaayo Doorashada Golaha Shacabka
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay walaaca iyo cabashada laga muujinaayo doorashooyinka Golaha Shacabka, iyagoona dalbaday in doorashada ay noqoto mid daahfuran oo ay ku kalsoonaan karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday howlwadeenada doorashada iney tixgaliyaan xaqa Musharaxiinta ay u leeyihiin iney isku soo taagaan iney tartamaan oo ay doorashada ka qeyb noqdaan.

"Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

War saxafadeedkan kasoo baxay beesha Caalamka ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan walaaca iyo cabashada laga muujinaayo hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo la sheegayo iney tahay mid aanan daah furneen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/26/2021 12:53 PM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa maanta duqaymo dhanka cirka ah waxay ka gaysteen magaalada Maqale ee caasimadda degaanka Tigray, sida ilo xogagaal ahi sheegayaan.

11/26/2021 12:46 PM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo markii u horeysay kasoo muuqday Warbaahinta, tan iyo markii u go'aansaday inuu tago furimaha hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay wakhti xaadirkan halka uu xaalku marayo.

11/26/2021 7:12 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa lacag dhan 120 kun oo dollar guddoonsiiyay dadkii ay xukuumada Somaliland kasoo tarxiishay gobolada Sool iyo Sanaag, isagoo u balan qaaday in ay heli doonaan wixii hanti ka maqan iyo deeqo kale.

11/26/2021 7:09 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay iney ka go'an tahay dhaqan galinta wareegtadii uu madaxweynaha Puntland xilka kaga qaaday taliyahii ciidanka PSF.

11/26/2021 5:33 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

11/26/2021 1:35 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qabashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/26/2021 1:12 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordheysay cabashada laga muujinaayo habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay guddiga xalinta khilaafaadka oo ku baaqay in Musharaxiinta wixii tabasho ah ay qabaan ay usoo gudbiyaan guddiga.