3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay inuu Boosaaso u tagay dhaqan galinta wareegtadii xilka looga qaaday Taliyahii Ciidanka PSF-ta Puntland
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay iney ka go'an tahay dhaqan galinta wareegtadii uu madaxweynaha Puntland xilka kaga qaaday taliyahii ciidanka PSF.

Wasiir Galan ayaa ugu baaqay Agaasimahii hore ee hay'adda PSF ineysan dhalinyaronimo qaadin, islamarkaana xilka laga qaaday uu si sharaf leh ku wareejiyo.

"Puntland waxaa ka jira nidaam qaan gaar ah oo hana qaaday qof iyo laba iyo sadax midna ma qalqal galinkaraan cid walba oo ka hor timaadana nidaamka dowladninada maamulka iyo shacabkaba meel ayay uga soo wada jeesanayaan"ayuu yiri Wasiir Galan.

Wasiir Galan ayaa sidoo kale faray ciidamada PSF qeybahooda ka duwan ee ku sugan magaalada Boosaaso iney si deg deg ah ugu laabtaan xeryahooda ayna maanta waxii ka dambeeya qaataan amarka taliyaha cusub ee uu madaxweyne Dani u magacaabay ciidanka PSF.

Hadalka wasiirka Amniga Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan Agaasimahii ciidanka PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano uu xilka ka qaaday madaxweynaha Puntland, kaasoo ka horyimid xilka qaadista lagu sameeyay, kuna tilmaamay mid sharci darro ah.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/26/2021 12:53 PM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa maanta duqaymo dhanka cirka ah waxay ka gaysteen magaalada Maqale ee caasimadda degaanka Tigray, sida ilo xogagaal ahi sheegayaan.

11/26/2021 12:46 PM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo markii u horeysay kasoo muuqday Warbaahinta, tan iyo markii u go'aansaday inuu tago furimaha hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay wakhti xaadirkan halka uu xaalku marayo.

11/26/2021 7:16 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay walaaca iyo cabashada laga muujinaayo doorashooyinka Golaha Shacabka, iyagoona dalbaday in doorashada ay noqoto mid daahfuran oo ay ku kalsoonaan karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

11/26/2021 7:12 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa lacag dhan 120 kun oo dollar guddoonsiiyay dadkii ay xukuumada Somaliland kasoo tarxiishay gobolada Sool iyo Sanaag, isagoo u balan qaaday in ay heli doonaan wixii hanti ka maqan iyo deeqo kale.

11/26/2021 5:33 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

11/26/2021 1:35 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qabashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/26/2021 1:12 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordheysay cabashada laga muujinaayo habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay guddiga xalinta khilaafaadka oo ku baaqay in Musharaxiinta wixii tabasho ah ay qabaan ay usoo gudbiyaan guddiga.