4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Maamulka gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM oo ka wadahadlay Amniga Doorashada Golaha Shacabka


Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa maanta kulan xasaasi ka yeeshay dardar gelinta arrimaha amniga doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lagu qabto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulanka dhexmaray saraakiisha AMISOM iyo Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa si weyn looga dooday hanaanka ugu wanaagsan ee lagu sugi karo xaqiijinta amaanka goobaha ay doorashada ka dhaceyso ee magaalada Baledweyne.

Guddoomiye Jeyte ayaa saraakiisha AMISOM u sheegay in amaanka degmada Baledweyne uu yahay mid aad u wanaagsan oo la isku haleyn karo, islamarkaana ay ciidamada AMISOM ka doonayaan dhankooda sare u qaadista howlaha amniga mudada ay socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa imaanaya xili magaalada Baledweyne lasoo gaarsiiyay agabkii kala duwanaa ee loogu talo galay qabashada doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]