4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Faysal Cali Waraabe: Waanu joojinaynaa wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, oo horay uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in ay joojinayaan wada-hadalada.

Faysal ayaa sheegay in wada-hadaladu ay dhaawaceen dadaaladii aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana caalamku u fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay dib ugu heshiin lahaayeen.

"Maalin dhawaydna waan ka hadlay, sannad guuradii 30aad na qoraal ayaanu soo saarnay xisbi ahaan, anagu wadahadaladaa waanu joojinaynaa hadii Alle yidhaa, wadahadaladii horena khasaare ayay noo keenen, waxa loo fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada hadlayaan sidii ay u heshiin lahaayeen" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in hadii uu madaxweyne Biixi ku raaci waayo go'aan kooda ay wada-halada ku joojinayaan, ay mooshin wada-halada ka dhan ah horgayn doonaan galayaasha baarlamaanka Somaliland.

"Arrintaasi waxay noo keentay in waddamadii na aqoonsan lahaa dib u joogsadaan, hadii uu madaxweynuhu ku adkaysan waayona go'aan kaas baarlamaanka ayaanu horgaynaynaa, mooshin odhanaya hala joojiyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, hadaanu soo baxnana waanu joojinaynaa" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku andacooday in dowlad lala hadlaa anay Soomaaliya ka jirin, isla markaana dowlada maanta Soomaaliya ka jirta anay ahayn dowladii la yaqaanay ee Talyaaniga xornimada ka qaadatay lakin ay tahay dowlad fadaraal ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]