3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Laba ka mid ah kuraasta Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka oo goordhaw lagu doortay magaalada Muqdisho
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Iyadoo goordhaw si rasmi ah uga bilaabatay doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya xarunta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye ayaa waxaa la doortay laba ka mid ah kuraasta doorashadooda maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Kursiga koowaad ee doorashadiisa soo gabagabowday oo tirsigiisu yahay HOP 225 ayaa waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdiraxmaan Warsame Saciid waxaana ku guuleystay Maareeye oo markale noqday Xildhibaanka afarta sano ee soo socota, kaasoo ku guuleystay codad gaaraya 96 cod.

Musharaxii laga guuleystay Cabdiraxmaan Warsame Saciid ayaa isna helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Waxaa sidoo kale soo idlaaday doorashada kursiga labaad ee kuraasta maanta doorashadooda ka socoto magaalada Muqdisho, waxaana kuraiga labaad markale loo doortay afarta sano ee soo socota Aamino Cumar Jaamac oo horay kursiga ugu fadhisay afartii sano ee la soo dhaafay.

Aamino Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP 202, kaasoo la filaayay inuu kula tartamo Musharax Aamin Cismaan Diiriye ayaa madasha kaga dhawaaqay inuu tanaasulay, dabadeedna cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Aamino Cumar waxay ku heshay dhamaan codadkii eragada ee 101-da cod ahaa.

Waxaa sidoo kale la guda galayaa goordhaw doorashada kursiga sadaxaad ee kuraasta Aqalka Hoose Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/23/2021 12:27 PM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galay Xaalad deg deg ah oo bani'aadanimo oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee dalka kusii faafaya.

11/23/2021 8:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Doorashada shan kursi oo katirsan kuraasta xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo kuraasta qaarkood ay kusoo laabteen xildhibaanno horey u joogay golaha shacabka.

11/23/2021 3:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka jawaab celiyay eedeeyn kulul oo kasoo yeertay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

11/23/2021 1:47 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ururka Shaqaalaha adduunka, ayaa waxay si rasmi ah u daah fureen Goobaal Online, oo ah adeeg loogu tala galay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

11/23/2021 1:16 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray go’aan loogu mamnuucayo guud ahaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta golaha shacabka in ay qariyaan wajiyadooda, marka ay socoto cod bixinta doorashada.

11/23/2021 12:51 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka ayaa maanta qabanaya doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobolada waqooyi sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Ambassador Axmed Adan Dagaal (Safiina).

11/23/2021 12:42 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed “Biikilo" ayaa Ra'iisul wasaaraha ka fogeeyay inuu wax shaqo ah ku leeyahay qaadida dacwada kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

11/23/2021 12:25 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed Cali, oo kulan la yeeshay guddida fulinta ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, ayaa ku dhawaaqay in uu tagi doono jiidda hore ee dagaalka, isla markaana uu hoggaamin doono Ciidamada difaaca Itoobiya, laga bilaabo maanta oo Talaada ah.