4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka mamnuucay musharraxiinta golaha shacabka in ay wajiga xirtaan xilliga doorashada
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray go’aan loogu mamnuucayo guud ahaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta golaha shacabka in ay qariyaan wajiyadooda, marka ay socoto cod bixinta doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid ka turjumaya si loo ilaaliyo daah-furnaanta doorashada dalka, kadib markii ay doorashooyinkii dhawaan dhacay ay ku jireen musharraxiin wajiga soo xirtay.

Musharraxiinta wajiga u xirnaa ayaa u badnaa kuwa aanay tartanka doorashadu daacad ka ahayn oo badi u tanaasulay musharraxiinta ay kursiga kula qornaayeen.

Go’aanka guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada lix kursi oo ay ku tartamayaan in ka badan 10 musharrax oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga doorashada ayaa go’aanka uu soo saaray ka dhaqan galin doona doorashada maanta dhacaysa, waxaana uu sheegay, kaliya in waji xirasho loo oggol yahay ergooyinka wax dooranaya sababa la xiriira ammaankooda.

Ergooyinka oo dad shacab ah, ayaa bartilmaameed u ah ururka Alshabab oo laayay qaar badan oo katirsan ergooyinkii ka qeyb qaatay doorashooyinkii 2016/2017.

Sidoo kale, ergooyinka oo qaarkood ay ka yimaadeen Somaliland ayaa laga cabsi qabaa marka ay dib ugu laabtaan deegaannadooda in dhibaato loo geysto, kadib markii Somaliland ay ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cid kaste oo ka qeyb qaadata doorashadaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online