4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Dhoobleey

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ku dhexmaray degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ciidamo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo kuwa Nabadsugida maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa bilaawday kadjb markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga ciidanka Nabadsugida maamulka Jubbaland ee degmada Dhoobleey.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Dhoobleey ayaa warbaahinta waxay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hub culus oo dhinacyadu iswaydaarsanayeen, islamar ahaantaana uu jiro khasaaro kasoo kala gaaray labada dhinac ee dagaalmay walow ay sheegeen ineysan xaqiijin karin khasaaraha kala gaaray.

Saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland weli kama hadlin dagaalka xalay dhexmaray iyaga iyo Alshabaab khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxay dagaalkaasi ka sheegteen iney burburiyeen Saldhiga ciidanka oo ay laayeen askar badan, walow aysan sheegin tirada askarta ay ku dileen, waxayna intaasi ku dareen inay ka qaateen Saldhiga hub farabadan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]