4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Alshabaab oo sheegtay masuuliyada dilka Cabdicaisis Afrika, sheegayna in ay ugu aargudeen Xasan Xanafi
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo caawa lagu qaarijiyay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas ayaa sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay agaasimihii telefishinka qaranka Soomaaliyeed Sharmaarke Maxamed Warsame oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.

Bayaan lagu daabacay warbaahinta faafisa wararka Alshabaab, ayaa lagu sheegay dilka Cabdicasiis Afrika in loogu aarguday rag badan oo katirsanaa Alshabaab, oo uu kamid yahay Xasan Xanafi.

Alshabaab waxay sheegeen in weerarkaas uu ahaa camiliyad ishtish-haadi ah, waxayna xuseen in ay muddo dheer ku raad joogeen sidii ay mar un u soo afjari lahaayeen nolashiisa.

Alshabaab waxay si cad ugu goodiyeen in ay bartilmaameedsan doonaan cid kasta oo wax ka sheegta nidaamkooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online