4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday inay dib u furayso safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in dib loo furayo safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay ka mahad celineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho taasi oo xaqiijinaysa xiriirka qotoda dheer ee labada dal.

Waxayna intaas ku dartay inay rajaynayso xoojinta iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya si loo gaaro kobac iyo barwaaqo badan labada dal iyo dadkooda.

Bil ka hor Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad.

Al-Muwallad waa safiirkii labaad ee Sacuudiga u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kadib, waqtiyadaas oo ahayd sannadkii 1991.

Si lamid ah, Macow Xaaji, Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa dhawaan warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis.

Safiirkan ayaa Soomaaliya ku matali doona dalalka Khaliijka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online