6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Madaxweyne Mustafe cagjar " Tvga la xiray waan ku saxsanahay, wuxuu ka gudbay anshixii saxaafadda"
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweyne Mustafe cagjar oo wax laga waydiiyay sababta loo xiray Tvga Nabad tv, ayaa waxa uu sheegay in tvgu uu ka gudbay anshixii saxaafadda, isla markaana lagu saxsanaa in la xiro.

Mafaxweynaha ayaa yiri " Inaad tiraahdo degaannada Itoobiya, degaankeenna kaliya ayay dadku kuwada nool yihiin iyadoo taasi been tahay, inaad ma shaqaystanimada dhalinyarteena ka muuqatay aad u qiilsamayso oo aad tiraahdo qowmiyad kala noo timid, inaad tiraahdo degaannada kale laguma wada noolee, kan maxaa loogu wada noolaan, taas waxaan u arkaa inay khalad tahay waana ka halgamaynaa". Wuxuuna xusay Madaxweyne Mustafe cagjar in dowlad degaanka Soomaalidu uu yahay degaanka u yar ee ay qowmiyadaha Itoobiya kuwada nool yihiin, marka loo eego degaannada kale ee Itoobiya.

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli wali albaabadu u xiran yihiin telefishinka madaxabanaan ee Nabad tv, oo ay dowladdu ku sheegtay inuu gudbiyay warbixino dadka iska horkeenaya, sidoo kalena ay xiran yihiin qayb kamida wariyayaashii telefishinkaas.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka howlgala tvyo madaxbanaan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah, kuwaas oo xafiisyo ku leh magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/20/2021 2:23 PM EST
abti, November, 20, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo caawa lagu qaarijiyay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

11/20/2021 2:17 PM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareejinta Cirro ee hogaanka xisbiga Waddani ku macneeyay in ay keentay kadib, markii uu garawsaday in siyaasiyiinta Kulmiye ka tirsanaanjiray ay siyaasad fiicanyihiin.

11/20/2021 2:05 PM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu isku miidaamiyay agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Arka.

11/20/2021 1:09 PM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Allaha u naxariisto agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, ayaa lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho.

11/20/2021 10:49 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismaha madaar casri ah oo shirkad layidhaa TISL oo laga leeyahay dalka Imaraatka Carabtu ka hirgalisay magaalo xeebeedka Berbera.

11/20/2021 8:53 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

11/20/2021 3:20 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii ugu dambeeyay maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo saareen liisas bilaaw u ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi boggaadiyay guddiga doorashada heer Fedaraal.

11/20/2021 2:10 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelibta doorashada maamulka Galmudug ayaa soo saaray sharuudaha laga doonayo Musharaxiinta ku tartami doonta shanta kursi ee ugu horeysa doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

11/20/2021 1:21 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in dib loo furayo safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

11/20/2021 1:18 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax jimcihii shalay ka dhacay goob suuq ah oo kutaala degmada Bardaale oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

11/20/2021 1:06 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro, ku eedeeyay in Xamar looga soo dhiibay hadalkiisii ahaa in 'China Taiwan ka muhiimsanyahay'.