4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo qaabilay safiirka Ingriisku usoo magacabay Soomaaliya
 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo kulan la qaatay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster, ayaa kala hadlay doorashooyinka Somaliland iyo xadhiga musharixiinta mucaaradka.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal usoo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay in ay safiirka Ingriiska kala hadleen xadhiga musharixiinta mucaaradka iyo hanaanka qabashada doorashooyinka.

“Safiirka waxanu si ban-yaalnimo ah uga wada hadalnay, hanaanka qabashada doorashooyinka iyo xadhiga joogtada ah ee uu taliyaha boolisku ku hayo musharixiinta mucaaradka” ayuu yidhi Cirro.

“Xadhiga qayral dastuuri ga ah, ee lagu hayo musharixiin ay koomishanka doorashoyinka qaranku ansixiyeen, isla markaana haysta xasanada xeer lr 91/2020” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xisbiga Waddani ayaa marar kala duwan ka hadlay xadhiga musharax Qasim Aadan Saleebaan oo xabsiga ku jira, dowlada ayaa dhinaceeda sheegtay in ay u hayso danbiyo oo ay maxkamad la tiigsanayso.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]