4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ethiopia


Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay dowladda Ethiopia in ay ka go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online