4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Taliyaha booliska Somaliland oo ka jawabay eedo looso jeediyay
 

Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, oo kawajabaya eedo losoo jediyay, ayaa yidhi “dadka booliiska eedaynayaa waa dad doonaya in ay sharciga gacmahooda ku qaatan maalinta doorashada”.

Taliyaha ayaa sheegay in boolisku kaalin sare kaga jiro sugida amniga iyo hirgalinta sharciyada.

“Amniga lagu jiifo Alle marka laga yimado booliska ayaa gacanta ku haya oo masuul ka ah, boolisku danbi soo socda ayuu ka hortaga mid tagayna wuu ka daba taga, boolisku shuruucda ayuu socodsiyaa” ayuu yidhi taliyuhu.

“Waxan arkayay dad tiro yar oo dhalinyaro ah oo caadaystay in ay booliska caayaan,  waanu ognahay u jeedooyin kooda, in ay doonayan in sharciga iyo kala danbayntu lunto, in ay doonayan in ay sharciga gacmaha ku qatan malinta doorashada” ayuu hadalkiisa ku daray.

Taliyaha oo u jawabaya Gud: Faysal Cali Waraabe, ayaa yidhi “kuwa nacaayaya ee leh booliskii millateri baa qabsaday, dalkan cid naga sheegan karta ma jirto”.

“Markii shalay dadka la xasuuqayay ee hablaha la kufsanayay anaga u dhaawacanay oo dhiigayaga u shubnay, cid maantana naga leh in aanu dadkayaga inta hadhayna dhiigayaga u shubno amnigoodana ilaalina ma jirto”.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay amniga magaalooyinka Somaliland kor u qaadeen isla markaana ay ka sifeeyeen tuugadii iyo budhcadii, isago ku andacooday in aanu boolisku cay gayin.

Hadalka taliyaha ayaa imanaya kadib markii siyaasiyiin katirsan xisbiyada mucaaradka iyo dadkale ay dhaliilo usoo jeediyeen hanaanka uu boolisku u shaqeeyo.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]