4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay waftigii ka socday dowlada Qatar
 

Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo ergayga gaar ah ee wasiirka arrimaha dibada ee Qatar u qaabilsan la dagaalanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta  khilafaadka Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

Warsaxafadeed kasoo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu waftiga warbixin ka siiyay geedi socodka dimuquraadiyadeed ee Somaliland isla markaana uu ka guddoomay salaan ay usoo direen madaxda Qatar.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen in ay yeeshaan xidhiidh dibulumaasiyadeed isla markaana ay xafiisyo is waydaarsadaan.

Waxa kale oo lagu sheegay in laga wada hadlay sidi ay hay’ada mucaawinooyinka ee Qatar charity, ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, loona xoojin laha xidhiidhka wada shaqayneed ee mucaawinooyinka.

War murtiyeedka ayaa lagu soo gaba gabeeyay in kulan ka madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Qatar uu ku dhamaday is afgarad buuxa iyo in halka laga sii anba qaado sii xoojintiisa.

Somaliland iyo Qatar ayaan muddo xidhiidh wanaagsan lahayn kadib markii ay Somaliland la safatay Sacuudiga iyo UAE xiligii khilaafkii Khaliijka.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]