4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Midowga Yurub oo soo dhoweeyay in madaxweyne Farmaajo uu dib ugu laabto heshiiskii doorasho ee 17 september
 

Sabti, May. 01, 2021 (HOL)  - Bayaan kooban oo kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagusoo dhaweeyay go’aankii barlamaanka Soomaaliya uu maanta ku meel mariyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 september.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in raysal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble uu ku wareejiyo hoggaaminta doorashada.

Midowga Yurub waxay raysal wasaare Rooble u sheegeen inuu ku tiirsanaado taageerada wax ku oolka ah ee madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo jilayaasha kale ee siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale lasoo dhoweeyay in geeddi-socodka siyaasadeed ee doorashada uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso

Bayaanka waxaa lagu sheegay in aan xilligan loo baahnayn wax shuruud ah ama rabshado ah, oo caqabad ku noqon kara wada hadalada lagu dhameystirayo heshiiska 17 September.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online