4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
UK: Waa in si sharuud la'aan ah loo bilaabo wada xaajoodka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Sabti, May. 01, 2021 (HOL)  - Dowladda UK ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo qabto doorashada Soomaaliya, xilli uu maanta barlamaanka Soomaaliya horyimid madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay in raysal wasaare Rooble uu hoggaamindoono diyaarinta iyo hirgalinta doorashooyinka dalka.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorasho ku saleysan is afgarad, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii 17 september.

Kate Foster waxay soo dhoweysay go'aanka madaxweyne farmaajo ee ah inuu dib u soo celiyo wada hadaladii uu la lahaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Safiirka UK waxay ku baaqday in si sharuud la’aan ah loo bilaabo  hadalka. Waxay dhinaca kale u mahad celisay raysal wasaaraha Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada diiday muddo kororsiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online