3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Madaxweyne Biixi oo xilkii ka qaaday Maareeyihii Guud ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland


Maareeyaha Cusub Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle iyo Maareeyaha xilkii laga qaaday Capt. Cabdi Maxamed Rodol.


Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto oo maanta soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, Capt. Cabdi Maxamed Rodol.

Waxaa isla wareegtadaa lagu magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle oo noqondoona Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarda Somaliland.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.” ayuu Madaxweyne Biixi ku sheegay wareegtadiisa.

Maareeyaha Cusub Mudane Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle ayaa horay u ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Jidadka ee Somaliland.

Capt. Cabdi Maxamed Rodol oo xilkaan hayey muddo seddex sanno ah ayaa horay wuxuu u ahaa madaxii duuliyayaasha Sharikaddii Somali Airlines ee khadka ka baxday muddo ka badan soddon (30) sannadood.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/31/2021 10:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa uga digtay shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan tallaalka Covid 19 ee AstraZeneca oo ay shaki badan galiyeen badqabkiisa.

3/31/2021 10:15 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Puntland iyo Jubbaland ayaa war ay soo saareen waxay walaac xooggan kaga muujiyeen in madaxda dowladda federalka ay xagal daacinayaan qabsoomida shir loo dhan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

3/31/2021 9:48 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo la hadleysay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay diideen in ay qaataan tallaalka 'Covid-19.

3/31/2021 7:47 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay labo xubnood oo katirsan Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, kuwaas oo lagu kala magacaabo Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.

3/31/2021 7:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo ay baadi goobayaan booliska la dagaalanka argagixisada.

3/31/2021 6:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Iyadoo goor dhaw xarunta Villa Hargeysa uu si toos ah u furmay kulan ay leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa hadda warbixin ka dhageysanaya Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

3/31/2021 6:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ee ku sugan koontaroolka Isgoyska Dabka ayaa goordhaw u diiday iney ka gudbaan koontarool kaasi Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

3/31/2021 4:43 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ciidamo hor leh ayaa la soo dhigay jidadka gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyadoo goor dhaw lagu waddo in uu furmo kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

3/31/2021 12:48 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xusseen Rooble oo maalintii shalay kulan la yeeshay wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada ee ka maqan kulamada wadatashiga Qaran ee doorashooyinka in ay ka soo qeybgalaan.

3/31/2021 12:39 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib kulankii Sabtida ee buuqa ku soo idlaaday.