4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay labo xubnood katirsan guddiga xuduudaha iyo federalka
 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay labo xubnood oo katirsan Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, kuwaas oo lagu kala magacaabo Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.

136-Xildhibaan oo fadhiga barlamaanka ku sugnaa ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay labada xubnood ee guddiga xuduudaha, waxaana ka aamusay 3 xubin mana jirin wax diiday.

Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federalka ayaa waxa ay shaqadiisu tahay inuu dowlada Federaalka ka caawiyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooyinka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha soohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedyada dalka.

Meel marinta xubnahan ayaa qeyb ka ahayd ajendaha uu maanta isugu yimid barlamaanka Soomaaliya.

Barlamaanka ayaa sidoo kale ka doodday cudurka Covid19, iyadoo wasiirka caafimaadka Soomaaliya suaalo laga weydiiyay sida xukuumadu ula tacaalayso la dagaalanka cudurka Covid-19.

Waxaa hoolka barlamaanka ka maqan xildhibaanada laga mamnuucay fadhiyada, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay buuq ka kiciyeen fadhigii todobaadkii hore.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online