4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Kulanka Golaha Shacabka oo furmay

 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Iyadoo goor dhaw xarunta Villa Hargeysa uu si toos ah u furmay kulan ay leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa hadda warbixin ka dhageysanaya Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiirka ayaa ka hor jeedineysa xildhibaannada Golaha Shacabka warbixin la xiriirta xaalada cudurka Covid 19 ee dalka oo ah ajandaha koowaad kulanka, halka dhinaca kale ka hor khudbada Wasiirradda ay ansixiyeen xildhibaannadu labo xubnood oo ka mid noqonaya guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha.

Fadhiga ayaa waxaa ka maqan oo dibad joog ka ah ilaa 15 xildhibaan oo dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabku uu ka mamnuucay in ay ka soo qebgalaan shan fadhi oo ka bilaabanaya kan maanta u socda xildhibaannada.

Si gaar ah ayaa isha loogu hayaan kulanka iyo haddii uu jiro karo ajandaha laga cabsida qabo ee ah muddo korarsi xildhibaannadu u sameeyaan hay'addaha dastuuriga ah ee Dowladda oo muddo xileedkeedu dhamaaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]