4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor istaagay kulanka Golaha Shacabka
 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) -  Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ee ku sugan koontaroolka Isgoyska Dabka  ayaa goordhaw u diiday iney ka gudbaan koontarool kaasi Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa sida uu sheegay Xildhibaanada laga celiyay koontaroolka Dabka ayaa qoraal uu soo saaraay ku sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo la socday aay ciidamada Booliiska Soomaaliya u diideen iney u gudbaan dhinaca Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu ka mid ahaa 15 Xildhibaan uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu ka joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka, iyadoona Xildhibaanka uu sheegay inuu tagayo kulanka waxii masuuliyad darro ah ee ka yimaadana uu qaadanayo guddoomiye Mursal.

"Isgoyska Dabka ayaa ciidamo Farmaajo ka amar qaata hadda nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale, Mas'uuliyadda waxii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya" ayaa yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo maanta uu jiro kulan la isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waddo inuu ka dhaco Xarunta Villa Hargeysa kaasoo horayna loo sheegay in 15 Xildhibaan uu ka mid yahay Mahad salaad aaysan kasoo qeyb gali karin kulanka maanta.

Saaka ayaa waxaa shacabka Muqdisho kusoo tooseen iyadoo inta badan Isgoysyada muhiimka ah aay u xiran yihiin ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]