4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Rooble oo baaq u diray madaxda Dowlad Gobolleedyada ka maqan shirarka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka

 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xusseen Rooble oo maalintii shalay kulan la yeeshay wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada ee ka maqan kulamada wadatashiga Qaran ee doorashooyinka in ay ka soo qeybgalaan.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa yiri ''“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” 

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in miiska wada hadalka lagu xaliyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay si loo gaaro isfaham la xiriira doorasho deg deg ku dhacda.

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa imanaya xili wali madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ka biyo diidan yihiin ka qeybgalka kulanka guud ee la doonayo in xalka looga gaaro ismariwaaga doorashada, iyaga oo ku xiray sharuudo dhowr ah oo aan u cuntamin madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]