3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulamaya

 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib kulankii Sabtida ee buuqa ku soo idlaaday.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ajandaha kulanka maanta ku sheegay cudurka Covid19, u codeyn laba xubnood oo guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo u codeyn sharciga Qaxootiga Qaranka.

Ajandaha fadhiga maanta ayaa lagu soo kordhiyay qoddobka u codeynta sharciga Qaxootiga Qaranka oo aan horay uga mid aheyn fadhiggii Sabtiddii toddobaadkan baaqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 15 xildhibaan  oo ka tirsan Golaha ka mamnuucay in ay soo xaadiraan shan fadhi oo ka bilaabanayo kan maanta ay yeelanayaan mudanayaasha, isaga oo ku eedeeyay in ay fowdo iyo buuq ka dhax abuureen Golaha dhaxdiisa.

Laakiin xildhibaannadan laga mamnuucay kulamada Golaha Shacabka ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay in ay tagi doonaan dhamaanba fadhiyada Baarlamaanka, gaar ahaan kan maanta oo Arbaco ah furmaya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    



















Click here
3/31/2021 6:32 PM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto oo maanta soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud Hay'adda Duulista iyo Madaarada, Capt. Cabdi Maxamed Rodol.

3/31/2021 10:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa uga digtay shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan tallaalka Covid 19 ee AstraZeneca oo ay shaki badan galiyeen badqabkiisa.

3/31/2021 10:15 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Puntland iyo Jubbaland ayaa war ay soo saareen waxay walaac xooggan kaga muujiyeen in madaxda dowladda federalka ay xagal daacinayaan qabsoomida shir loo dhan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

3/31/2021 9:48 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo la hadleysay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay diideen in ay qaataan tallaalka 'Covid-19.

3/31/2021 7:47 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay labo xubnood oo katirsan Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, kuwaas oo lagu kala magacaabo Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.

3/31/2021 7:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo ay baadi goobayaan booliska la dagaalanka argagixisada.

3/31/2021 6:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Iyadoo goor dhaw xarunta Villa Hargeysa uu si toos ah u furmay kulan ay leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa hadda warbixin ka dhageysanaya Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

3/31/2021 6:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ee ku sugan koontaroolka Isgoyska Dabka ayaa goordhaw u diiday iney ka gudbaan koontarool kaasi Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

3/31/2021 4:43 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ciidamo hor leh ayaa la soo dhigay jidadka gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyadoo goor dhaw lagu waddo in uu furmo kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

3/31/2021 12:48 AM EST
Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xusseen Rooble oo maalintii shalay kulan la yeeshay wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada ee ka maqan kulamada wadatashiga Qaran ee doorashooyinka in ay ka soo qeybgalaan.