3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Madasha badbaado qaran oo sheegtay in aysan aqbalidoonin wax muddo kordhin ah
 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Madasha Badbaado Qaran ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen waxay ku caddeeyeen in aysan marnaba aqabali doonin wax muddo kororsi.

Madashu waxay sidoo kale sheegtay in aysan gacmaha ka laabandoonin muddo kordhin lagu carqaladaynayo dimuqraadiyada iyo xasiloonida.

Waxay kaloo aad u cambaareeyeen go'aankii 15-ka xildhibaan looga joojiyay fadhiyada barlamaanka, Waxayna sheegeen in masuuliyada dhibka soo gaara xildhibaanadan uu dusha ka saaraynayo guddoomiye Maxamed Mursal.

Maalinta berrito ah barlamaanka Soomaaliya ayaa yeelandoona kulan aad loo hadal hayo oo suurto galin kara inuu muddo kordhin ku dhawaaqo.

Waxay imaanaysaa xilli dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku heshiin la'yihiin heshiiskii arrimaha doorashada ee 17 kii september.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
3/30/2021 12:46 PM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maanta qaabilay xubno ka socda wakiilada beesha caalamka iyaga oo ka wadahadlay khilaafka ka taagan doorashada lagu waddo in ay dalka ka dhacdo.

3/30/2021 11:31 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Shirwaynihii saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee wadani, oo maanta Hargaysa ka qabsoomay ayaa markale Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) loogu doortay musharaxa xisbiga ee doorashada madaxweynaha ee 2022.

3/30/2021 9:35 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah oo ka dhicidoona Ethiopia.

3/30/2021 9:11 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Saraakiisha Booliiska dalka Tanzanian ayaa shaaca ka qaaday in 45 ruux ay u dhinteen isbuurasho ka dhalatay macsalaameynta meydka madaxweynihii hore ee dalkaasi John Magufuli 21 bishan.

3/30/2021 7:55 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Wafdi ka socday dowladda Imaaraatka Carabta ayaa loo diiday in ay ka dagaan deegaanka Garacad oo katirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

3/30/2021 7:29 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Wasaarada waxbarashada ee Somaliland ayaa sheegtay in laga bilaabo 13 bisha Abril, 2021 dugsiyada waxbarashada la fasixi doono muddo labad bilood ah, xaalada caabuqa Covid-19 awgii.

3/30/2021 7:14 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uu jiro heshiis milatari oo dhawaan ay wada gaari doonaan Soomaaliya, Elateria iyo Ethiopia.

3/30/2021 3:51 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa bulshada ku dhiirigalisay in ay qaataan tallaalka Covid 19 oo hadda la gaarsiiyay inta badan gobollada dalka.

3/30/2021 12:58 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Waxaa soo ifbaxaya khilaaf cusub oo hareeyay kulamadii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro ismariwaaga doorasho.

3/30/2021 12:34 AM EST
Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa ganaax lacageed ku riday kalluumeysato ajaanib ah oo la sheegay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan deegaannada uu maamulku ka arimiyo.