4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo musharax madaxweyne markale u doortay Cabdiraxmaan Cirro


Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Shirwaynihii saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee wadani, oo maanta Hargaysa ka qabsoomay ayaa markale Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) loogu doortay musharaxa xisbiga ee doorashada madaxweynaha ee 2022.

312 kamid ah 313 xubnood ee xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ayaa u coodeeyay Cabdiraxmaan Cirro in uu noqdo musharaxa madaxweynaha ee doorashada 2022, halka 1 xubina ay diiday mana jirin cid ka aamustay.

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga aya isagana loo doortay Maxamed Cali Aw Cabdi, waxana u codeeyay 306 xubnood, waxa diiday 4 xubnood, 1 qofna wuu ka aamusay.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro, oo hadal jeediyay kadib markii la doortay ayaa dhaliilo u jeediyay xukuumada talada haysa.

“Waxaad ka dharagsantihiin xaalada guud ee dalku halkay marayso, waxa inoo wada muuqda in nidaamkii dowladnimo, wada tashigii, wax wada lahaanshihii iyo kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dowlada oo daciifay” ayuu yidhi Cirro.

“Cabudhinta xukuumada ee saxaafada madaxa-banaan, xadhiga aan loo miidan dayin, loona marin dariiq sharci ah, ee muwaadiniinta Somaliland”.

“kutumashada xuquuqal insaanka, waxay dalkan u horseedi karaan in dowladnimadii iyo dimuquraadiyadii aynu ku faanaynay labaduba saqiiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cirro.

Musharax Cirro aya hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in yoolka fog ee xisbiga Wadani uu yahay kobcinta, tayaynta iyo fidinta aqoonta noocyadeeda kala duwan.

 Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]