4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in madaxweyne Farmaajo uu heshiis amni la saxiixanayo Ethiopia iyo Eritrea
 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah oo ka dhicidoona Ethiopia.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu warkaan ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan jirin.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay Safarrada shaqo ee Madaxweyne Farmaajo in ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta dalka.

Wuxuu sheegay  in madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

Hadalka agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ayaa jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, kaasoo sheegay in ay Soomaaliya heshiis amni la saxiixanayso dalalka Ethiopia iyo Eritrea, isagoo arrintaasna kasii digay.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online