4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Wafdi ka socday dowladda Imaaraatka carabta oo loo diiday in ay kormeeraan dekeda Garacad laga dhisayo
 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Wafdi ka socday dowladda Imaaraatka Carabta ayaa loo diiday in ay ka dagaan deegaanka Garacad oo katirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Dadweyne ku sugan Garacad ayaa la sheegay in ay ka hor yimaadeen in diyaaradda sida wafdiga Imaaraatka iyo masuuliyiin katirsan Puntland ay ka degto halkaas.

Diyaaradda ayaa dib ugu laabatay magaalada Garowe oo ay markii hore kasoo duushay, waxaana socda wada hadal.

Puntland ayaa deegaankaas xalay geysay ciidamo ka tirsan kuwa mariiniska oo uu Imaaraatku taageero, kuwaas oo loo geeyay in ay sugayaan ammaanka wafdiga UAE.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in ujeedada socdaalka wafdigan uu yahay inay kormeer ku sameeyaan dekeda Garacad laga dhisayo, taasoo ah deked isku tashi ah lagu dhisayo.

HOL, ayaa ogaatay in sababta dadweynuhu u diidan yihiin wafdiga UAE ay tahay, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka ay doonayaan inay ku lug yeeshaan dekedda Garacad, balse si dhab ah warkaas looma hubo.

Imaaraatka oo iska leh shirkadda DP-world ee maamusha dekeda Bosaso, ayaa heshiiskeeda waxaa kamid ah in aan wax deked ah laga sameyn karin xeebaha u dhow Bosaso.

Inkastoo Garacad ay boqolaal km u jirto Bosaso, haddana waxaa hubaal ah in ay saamayn ku yeelan doonto dekeda magaalada Bosaso, oo tan iyo markii DP world ay la wareegtay maamulkeeda uu hoos u dhac weyn ku yimid.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online