4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka digay heshiis milatari oo ay Soomaaliya la galayso Ethiopia iyo Eritrea
 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uu jiro heshiis milatari oo dhawaan ay wada gaari doonaan Soomaaliya, Elateria iyo Ethiopia.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in heshiiska noocaas ah uu qatar ku yahay Soomaaliya, balse tafaasiil dheeraad ah kama uusan bixin nuuca uu yahay heshiiskaas.

“Heshiiska Amni iyo Difaaca ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxey noqon kartaa arin walaac dhab ah leh '' ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hadalkaan ayuu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Sannadkii 2018 Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa wada galay heshiis ku saabsan adkaynta nabad galyada.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in laga takhalusiyo halista guud ee ay wada wajahayaan saddexda dal, taasoo ah argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ku wajahan yahay dalka Ethiopia, halkaas oo uu shir ku dhexmaridoono saddexda dal.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online