4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
Alshabaab oo ku baaqay dagaal ka dhan ah madaxweynaha Jabuuti iyo doorashada dalkaas kusoo wajahan
 

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - kooxda Alshabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.

Hadalkaan waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Hoggaamiyaha Alshabaab Abuu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay.

Bishii May ee sanadkii 2014, Alshabaab ayaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah ka geystay magaalada Jabuuti, iyagoo beegsaday xarumo ay iskugu yimaadaan dadka Ajnebiga ee dalkaas ku dhaqan.

Weerarkaas oo ay fuliyeen labo qof oo nin iyo xaaskiisa ah, ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen ismiidaamiyaasha iyo dhaawaca 11 kale.

Alshabaab waxay weerarkaas ku tilmaameen inuu qeyb ka ahaa dagaalka  ka dhan ah reer galbeedka ka soo horjeeda Islaamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online