4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo kulan ku leh magaalada Muqdisho

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha goboleedyada oo maalintii saddexaad shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa haatan kulan laleh wakiilada beesha Caalamka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee si guud ah madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ula kulmayaan beesha caalamka tan iyo markii ay dhawaan Muqdisho isku tageen.

Masuuliyiin katirsan dowlad goboleedyada ayaa sheegay in kulankan looga hadlayo xal u helida marxaladda dalku marayo gaar ahaan Doorashada.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in madaxweynayaashu is afgarad ka gaareen arrimo dhowr ah oo hortaagnaa inuu dhaco shirkii dhexmari lahaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka beesha caalamka kadib, waxaa lagu wadaa in madaxweynayaashu shir jaraa’id qabtaan islamarkaana ay ka hadlaan natiijooyinka kulamadooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online